Muqdisho-KNN-Antoine Griezmann ayaa ogolaaday heshiis ku kacaya 88 milyan oo ginni oo uu uga dhaqaaqayo Atletico Madrid si uu ugu biro kooxda hada hogaanka La Liga haysa ee Barcelona.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa Manchester United xagaagii lasoo dhaafay isagoo doorbiday inuu nagi kusii ahaado kooxdiisa A.Madrid.
Griezmann ayaa loo sheegay inuu ugu dambeyntii u dhaqaaqo koox weyn, iyadoo Red Devils ay weli dooneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka.
Waxaa intaas sii dheer, 27 jirkaan ayaa lagu burburin karaa heshiiskiisa uu kula joogo A.Madrid £88m, laakiin sida laga soo xigtay The Sun, heshiiska ay kula soo wareegayaan kooxda Camp Nou waa ay isku raaceen ciyaaryahanka iyo Blaugrana.
Warbixinta ayaase sheegeysa in tababaraha United Jose Mourinho uu ku rajo weyn yahay inuu u ciyaari karo Griezmann kooxdiisa United si uu ugu soo dhaqaaqo horyaalka Premier League, lakiin haatan waa inuu u dhaqaaqo bartilmaameedyo kale maadaama Barcelona ay dhamaysay heshiiska ciyaaryahankan.
Griezmann ayaa dhaliyay 17 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa 8 gool xagagan.
by Aadam Yusuf Ahmed Aqyaar