Somali News

António Guterres oo magacaabay ku xigeenka Wakiil Q.M ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Ms. Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL).


António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Raisedon shaqadii iyo dadaalkii ee uu ku tabarucay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.