Somali News

Aqal sare ee Mareykanka oo codka kalsoonida siiyay xaakim uu dhawaan magacaabay Trump

Aqal sare ee Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay xaakim uu dhawaantan madaxwayne Trump u magacaabay Maxkamadda sare ee dalkaasi.

Sanatarada Aqalka Sare ee wadanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Amy Coney ay kamid tahay qareenada Maxkamadda Sare ee dalkaasi.

Arintan ayaa ah guul usoo hoyatay madaxwayne Donald Trump todobaad kahor doorashada wadanka Mareykanka.

Saaxiibada Jamhuuriga ee taabacsan Trump ayaa codkooda siiyay xaakimka, halka ay si wayn uga soo hor jeesteen Dimoqoraadiyiinta.

Kaliya hal xilibaan oo Jamhuuri ah ayaa kasoo hor jeestay magacaabista haweenaydan oo ah Susan Collins. Justice Barrett ayaa sidan ku noqonayso xaakimkii sadaxaad oo uu soo magacaabo madaxwayne Jamhuuri ah