Somali News

Aqalka Kongarayska Mareykanka oo la weeraray

Washington-KNN-Sargaal ka tirsan booliska Maraykanka ayaa geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay kadib weerar lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ee Capitol hill la yiraahdo

Qof waatay gaari iyo qori ayaa weeraray albaabka laga galo aqalka baarlamaanka taasoo keentay in ciidamaduna rasaas furan.

Ruuxii watay gaariga ayay ciidamadu toogteen.

War booliska kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay baaris wadaan.

Bilowgii bishii January ee sanadkaan ayaa sidaan oo kale dad caraysnaa oo taageersanaa m/weynihii hore ee Maraykanka Donald Trump waxay weerareen aqalkaan maanta la weeraray ee ay ku shiraan xubnaha kongarayska Maraykanka.