Uncategorized

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo dib u dhigay ka doodista xeerka lagu mamnuucay shirkadda DPworld.

Muqdisho-KNN- Xubnaha Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulanka ugu horeeya ee kalfadhiga 3aad ayaa loo qeybiyay xeerka shalay ay Golaha shacabka ku mamnuuceen in ay dalka ka shaqeyso shirkadda DPworld ee laga leeyahay dalka isutagga imaaraadka carabta.

Senator-ada  ayaa maanta aysan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World ,maadaama ay ka hadleen Weerarkii lagu qaaday Guriga  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

markii shirka uu soo gaaray qeybaha dambe ayaa Guddoonka Aqalka Sare waxaa  uu sheegay in maalinta Berri ah laga hadli doono kiiska Shirkadda DP World.