Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa guddi u saaray khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka kadib Mooshin laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ay yeesheen Gudiga joogtada ee Golaha aqalka sare ayaay ay gudi u saareen , waxaa Warbaahinta la hadlayay Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac, kaasoo sheegay in Aqalka sare ay soo jeedinayaan in xasiloonidii iyo degenaashaha Golaha shacabka la soo celiyo, isla markaana wax kasta oo la isku haayo lagu dhameeyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka
Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasoo ka qeyb-qaadan doona xalinta khilaafka waxaana ay kala yihiin:-
Cabdi Xaashi Cabdullahi -Gudoomiyaha Gudiga
Mowliid Xuseen Guhaad-Xubin
Cabdi Xasan Cawale qeybdid-Xubin
Zamzam, Ibraahim Cali -Xubin
Maxamed Amiin SHeekh Cismaan-Xubin
Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc-Xubin
Muxudiin Sheekh Cali Jaamac-Xubin