Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay si kulul ugu hadleen khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay Madaxda ugu sareysa Galmudug ka dalbadeen in si deg deg ah loo damiyo Khilaafka saameynta ku yeeshay Shaqada Hay’addaha maamulkaasi.
Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta waxaa uu aqriyay warka maanta ka soo baxay Gudigga Joogtada ee xildhibaanada Aqalka Sare,Waxaa uuna Sheegay in muhiim ay tahay in xiligan la joojiyo khilaafka ka soo cusboonaadey madaxda Ugu sareysa Maamulka Galmudug.
Sidoo kale Xoghayaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Xildhibaanada Aqalka Sare aysan marnaba aqbali doonin in burburiyo hoggaanka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug.
Khiladka ugu dhexeeya madaxda Maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa uu garaay meeshii ugu xumeed.


