Somali News

Aqalka sare oo ka horyimid Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Waxaa ay ka horyimaadeen in ay  ka qeyb galaan  munaasabada furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Labada Aqal.

Warar qaar ayaa sheegaya in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga Aqalka Sare, islamarkaana waxaa la tilmaamay in maalinta Berri ah uu furmi doono.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in ay diidaan golaha aqalka sare ka qeyb galka kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka oo qorshihiisu ahaa in maanta uu furmo,maadaama hada munaasabad ay ka socoto xarunta Jenaraal kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Labadii Kalfadhi ee la soo dhaafay  ayaa si wadajir ah Waxaa  loo furay kalfadhiyada Mudanayaasha Baarlamaanka Labada Aqal