Muqdisho-KNN-Kulan ay maanta muqdisho ku yeesheen Golaha aqalka sare ayaa waxaa looga hadlay doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo.
Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha aqalka sare oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan aqalka sare in faragelin lagu sameeyo doorashada maamul goboleedyada soomaaliya.
Xoghayaha Waxaa uu ka dalbaday musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed in ay u hogaansamaan shuruucda u dagsan maamulka koonfur Galbeed iyo tan guud ahaan ee dalka.
Aqalka sare ayaa ka walaacsan doorashada ka dhacaysa Baydhabo.


