Somali News

Aqalka Sare oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Aqalka sare ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyadoona kulanka ay joogaan dhamaan xubnaha Sanaterada aqalka sare.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajandaha kulanka ayaa maanta waxaa uu yahay, dhageysiga warbixinta Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyo dhageysiga Akhrinta 2aad Hindise-sharciyeedka Biyaha iyo Sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka.

Kulankan ayaa waxaa uu noqonayaa kulankii  2aad ee kalfdhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.