Somali News

Guddigii dhameyn lahaa Muranka u dhexeeya Dowlada Dhexe iyo M/Gobaleedyada oo maanta la magacaabayo.

Muqdisho-KNN-Gudiga joogtada ee Golaha aqalka Sare ayaa Maanta kulan waxaa ay ku leeyihiin  Magaalada Muqdisho,iyaga  oo ay ka hadli doonaan khilaafka  u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada iyo  qodobo Kale.

Maanta ayaa la filayaa in Gudigga Joogtada ah ay Magacaabaan Guddi ka socda Aqalka Sare, kuwaasi oo loo xilsaarayo xal u raadinta  khilaafka ka dhex aloosan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Guddiga joogtada ee Aqalka Sare ayaa Maanta wax ay Go’aamin doonaan waqtiga uu R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre uu hor imaan doono Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona Su’aalo weydiin doono.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddi wasiiro ah ay magacaabeen Xukuumada Soomaaliya.

Ujeedka ayaa ah sidii  Wasiiradaasi ay xukuumada ugu matalaan wadahadalada Dhex mari doono Dowlada dhexe iyo kuwa maamul Gobaleedyada, iyadoona ay xusid mudan in Guddi laga sugayo Madaxda Madaxda Dowlad goboleedyada.