Somali News

Aqalka wakiilada Maraykanka oo markale meel mariyay mooshin xilka looga qaadayo Trump.

Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa markale soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump kadib markii ay u codeyeen inta badan.

Afhayeenka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in markale aqalka ay hogaamiso uu soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, waxaana xil ka qaadistiisa loo gudbinayaa aqalka sare ee Mareykanka.

Xildhibaano gaaraya 232 oo katirsan Kongreska ayaa u codeeyay xil ka qaadista Trump kadib markii lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.

Arrintan ayaa ka dhalatay weerarkii taageerayaasha madaxweyne Trump ay dhawaan ku qaadeen aqalka wakiilada ama Kongreska ee dalka Mareykanka.