Somali News

Aqriso:-warar kusoo kordhay weerarkii Lamu

Laamuu-KNN-Taliska ciidanka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Lamu looga dilay Shan kamid ah askartooda.

Weerarkan  Al-Shabaab ayaa sheegtay, waxa ayna ku sheegeen in 9-kamid ah Ciidamada KDF-ta Kenya ay dileen, sida ay ku baahiyeen baraha ay internet-ka lu leeyihiin.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka la qarxiyay uu saldhigoodu ahaa deegaanka Bargooni oo ku dhaw Gaarisa, balse xilligii la qarxinayay ay howgallo ujoogeen deegaanka Xeebeedka Lamu.

Warar sir ah oo aan la sheegin cidda laga soo xigtay ayaa wariyay in la xiray nin looga shakisanyahay weerarkan in uu ka danbeeyay, oo cadeeymo badan lagu hayo xilligan.

Kenya ayaa tan 2011-kii oo ay gudaha usoo gashay Soomaaliya ayaa waxa ay la kulmeysay weerro lixaad oo Shabaab ay ka fulinayaan gudaha dalkaasi.