Uncategorized

Arday iyo Macalimiin ku dhintay Dab ka kacay Iskuul ku yaalla Malaysia

Ugu yaraan 25 arday iyo macalimiin ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul islaami ah oo lagu hoydo, kaasi oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia.

Dabka oo ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur’aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah ayaa kacay aroortii hore ee saakay.

Tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ayaa ah 23 arday iyo laba waardiye, Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay sidaasi wakaalaada wararka ee AFP.

Waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa sheegtay in gawaarida dab-damiska ay gaareen goobta daqiiqado gudahooda.

7 qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen, waxaana lasoo samatabixiyay 11 qof oo kale.

Waxaa la baarayaa sababta dhalisay inuu dab ka kaco iskuulkan. Ardaydaan ayaanan da’dooda wali la shaacinin

Ardayda ayaa waxka barta xarumaha noocaan oo kale oo loo yaqaano iskuulada barashada Qur’aanka kariimka iyo xifdintiisa.