Uncategorized

Arday ku dhaawacantay muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ilaa 3 (sedex) arday ayaa ku dhaawacantay shaqaaqo saakay ka dhacday schoolka macalin jaamac oo ku yaalo degmada xamar weyne  ee gobolka banaadir.

Ardayda uu dhaawacu soo garay ayaa doonayay in ay galaan imtixaanadka shahaadiga ah ee dugsiga sare Fasalka 12-aad, kuwaa oo loo diiday in gudaha u galaan school, kadib markii maamulka schoolku uu sheegen in ardayda qaar ka mid ah ay waqtigii rasmiga ahaa ay ka soo daba mareen.

Waxaana intaasi kadib ardaydii  ayaa isku dayday in ay xoog ku galaan school ka taaso keentay in ay isku dhacaan ardaydii iyo ilaalada schoolka,  oo ay sedex kamid ah dhaawacmaan.

Ciidanka Booliska ka degmada xamar weyne ayaa iminka goobta soo gaaray waxaa socota waan waan la doonayo in ardayda lagu xareeyo  oo ay imtixaanku  galaan.

Imtixaanadka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ayaa ayaa soo bilaabay maalintii Sabtida aheeyd ee aynu soo dhaafnay taarikhduna aheeyd 18-ka bisha 6-aad.