Somali News

Arday lagu laayey gobolka Tigray ee Itoobiya, xilli ay qalin-jebinayeen

Maqalle-KNN-Weerar ay rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ku qaadeen bas rakaab ah ayaa lagu dilay ugu yaraan lix arday oo qalinjabineysay, gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itioobiya, sida ay ku warrameen dad ka badbaaday dhacdadaas.

Waa taallaabo kale oo muujineysa xad-gudubyada kasii socda gobolkaas in ka badan labo bilood kaddib markii ay dowladda federaalka Itoobiya ku dhawaacday in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadooda iyo xoogagga TPLF.

Weerarka ayaa ka dhacay meel lagu magacaabo Adi Mesno; halkaasoo uu marayay baska ay la socdeen 41 ruux oo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu sheegay qof badbaaday oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu intaas ku daray in dhowr jeer la istaajiyay intii ay safarka kusoo jireen, iyo in uu dagaal dhex maray askartii militariga ee ardayda galbineysay iyo kooxda weerarka geysatay.

Abreheley Addisu, oo ah madaxweynaha Golaha ardayda ee Jaamacadda Maqalle, ayaa BBC-da u xaqiijiyay weerarkaas, isagoo sheegay in lasoo gaarsiiyay warka sheegaya in lix arday lagu dilay goobtaas.

Maamulaha Isbitaal ku yaalla gobolka Amhara ee dhinaca koonfureed daris kala ah Tigray, oo la geeyay qaar ka mid ah ardayda dhaawaca ah, ayaa BBC-da u sheegay in arday ka baxay 12 oo dhaawacyo rasaas ah qaba la geeyay isbitaalkaas.

Kassahun Addisu oo madax ka ah isbitaalka Qobo ayaa intaas ku daray in dhaawacyada dhammaantood ay yihiin kuwo sahlan.

Ardayda ayaa guryahooda dib ugu laabanayay kaddib markii ay ka qeyb galeen xafladda qalinjabintooda ee ka dhacday caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle.

BBC