Somali News

Arday lagu soo qaaday sariirta dadka xanuunsan oo maanta galay imtixaanka Dowladda.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u diiday in dib loogu dhigo mid ka mid ah ardayda u fariisanaysay imtixaanka shahaadiga ee ay qaadayso dowladda Soomaaliya.

Ardayga loo diiday in dib loogu dhigo imtixaanka ayaa waxaa la sheegay in dhawaan qaliin caloosha ah lagu sameeyay, kadib markii in mudo uu ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho, waxaana wiilka  lagu magacaabaa Shuceyb Cabdi Casiis.

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa la sheegay in loo geeyay waraaqadaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina, halkaasi oo ardayga qaliinka loogu sameeyay intaa kaddib masuuliyiinta ayaa la tilmaamay inay diideen, islamarkaana waalidka dhalay ardayga xannuunsan ay ku wargeliyeen inuu imtixaanka soo xaadiro.

” Si kastaba haku yimaado wiilkiina waa inuu ka qeyb qaataa imtixaanka haddii kale shahaado ma helayo wax dib loo dhigayane ma jirto”.

Wiilka oo lagu soo qaaday sariirta qaliinka ama bareelo ayaa hadda imtixaanka waxaa uu ku gelayaa xarunta jaamacadda PLASMA oo ka mid ah goobaha lagu gelayo imtixaanka dowladda ay qaadeyso, Sida waxaa KNN u sheegay Aabaha dhalay  ardayga loo diiday in dib loogu dhigo imtixaanka dowladda.