Somali News

Arday maanta lagu dhaawacay Beladweyne oo daawo la’aan ugu dhintay

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Beladweyne ayaa soo sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo katirsanaa Ardayda magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kadib markii uu Toorrey ku dhuftay Arday kale oo katirsanaa Iskuulka Mujamac.

Ardayga geeriyooday oo ahaa Class-ka 3aad ee Dugsiga Sare ayaa la sheegay in mindida ay uga dhacwday meel halis ah kadib Isbitaalkii la geeyay laga waayay daawo lagu daryeelo.

Maamulka Iskuulka ayaa sheegay in dhaawaca oo ahaa mid aad u adag uu sababay in dhiig bax u dhinto ardaygaas. Sidoo kale maamulka Iskuulka ayaa sheegay in Isbitaalka Guud ee Gobalka Hiiraan ee magaalada Beladweyne uu daawo la’aan u xeran yahay.

Arintaasi ayaa sababtay in ardayda Iskuulka ay ka banaanbaxaan dhibaatada qabsatay ardaygaas katirsanaa. Hadal heynta ugu Beladweyne ayaa waxay maanta tahay ardaygaan daryeel la’aanta ugu dhintay bartamaha magaalada Beladweyne.