Somali News

Arday maanta lagu dilay Beledweyne.

Beledweyne-KNN-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ku dhexmaray labo  arday oo wada dhiganeysay hal Iskuul oo ku yaalla Magaaladaasi.

Ardayda ayaa waxaa la sheegay in ay isku weerareen mindi ama Toorey ,kuwaasi oo waxkabarta Iskuulka Mujamac ee ku yaalla Baladweyne,isla markaana Iskuulka lagu dhex dilay Mid kamid ah ardaydaasi,halka midka kalena uu dhaawac soo gaaray.

Arintan ayaa waxaa ay Keentay in ardayda ay banaanbax ka dhigeen Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan, iyagoo ka cabanaya Daawo la’aanta ka jirta Magaaladaasi.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Wiilka dilka geystay, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Beledweyne Cusmaan Aadan Careys.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka iskuulka ay dhiganayeen labada ardayda.