Uncategorized

Arday Turkish oo Somalia u yimid Barnaamij Isweydaarsi.

Muqdisho-KNN-Kooxdaasi oo shalay soo gaaray Somalia, waxay muddo 10 maalmood joogi doonaan Somalia, waxaana Safarkooda si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta ee TurkigaTurkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines, Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency iyo Hay’adda Idaacadda iyoTelefishinka Turkiga ee  Turkish Radio and Television (TRT).

Cumarul Faaruuq Kaya oo ah Arday Cilmiga Maaliyadda Dadweynaha (public finance) bka barta Jaamacadda Istanbul University ayaa sheegay inay Booqashadda ay ku yimaadeen Somalia wax kaga baran doonaa dhibaatooyinka keenay waxyeelladda soo gaartay Qaranka Somalia.

Isagoo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga waxa uu xusay inay fursad u haystaan sodoo ay u soo booqan lahaayeen Dugsiyadda lagu barto Cilmiga Beeraha iyo Isbitaalladda ku yaalla Somalia.

Arday kale oo lagu magacaabo Yusuf   Gunduz oo wax ka dhigta Jaamacadda Farsamada ee  Istanbul’s Yildiz Technical University ayaa sheegaay inay Walaalaha Soomaaliyeed u muujin doonaan inay garab taagan yihiin Walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ceyhun Dogan, oo ah Arday wax ka barta Waaxda Ganacsiga Caalamiga ee Jaamacadda Cankiri Karatekin University, ayaa sheegay in muddada ay joogaan Somalia inuu gacan ka geysan doono sidii loo soo celin lahaa Hawlihii Xarunta Agoona Soomaaliyeed ee Al-Haramain Orphanage in Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Barnaamijka Khibradwadaagista ee sannadka 2017 (The 2017 Africa Experience Sharing Program) waxay muhiimad siinaysaa inay 200 Arday u ddhalatay Turkiga booqdaan dhowr Waddan oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan dalalka Somalia, Tunisia, Libya, Kenya, Algeria, Chad, Sudan, Ghana iyo  Niger muddada u dhexeyso bishan Augsust 5-da ilaa 30-da.