Uncategorized

Ardayda Beladweeyne oo aan ka qayb galeyn Imtixaanka Dowladda

Muqdisho-KNN-C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada xukumadda fedraalka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyay imtixaanka dugsiga sare ee dowlada ee sanadkaan.

Wasaarada Waxbarashada oo horay u shaacisay in imtixaanka dowlada ay sanadkaan u fadhiisanyaan 27,600 oo arday ayaa maanta Wasiirka wuxuu tilmaamay 1400 oo arday oo ku sugan magaalada Beladweyne dib loogu dhigay imtixaank dowlada, islamarkaana laga qaadi doono imtixaanka markii magaalada ay ku soo laabato sideedii hore.

Imtixaanka dowlada ayaa bilaabanaya 19-05-2018 oo ku beegan sabtiga soo socda, iyadoona lagu gali doono 120 xarumood oo ku yaala gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa Sheegay in Markii ugu horeeysay Imtixaanka lagu diyaariyay gudaha dalka tan iyo burburkii Dowladdii dhexe, iyada oo markii hore ey diyaarinjirtay hayadda Waxbarashada Iyo Dhaqanka uqaabilsan Qaramada Midoobey ee UNESCO.