Somali News

Ardayda Soomaaliyeed oo maanta dib u galaya Imtixaanka Dowladda.

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta dib u bilaabanaya imxitaanka ay qaadayso wasaarada waxbarashada Soomaaliya kadib markii dhawaan wasaarada waxbarasahda ay baabi’isay imtixaankii ay qaadaysay, kadib markii ay sheegtay in la helay qashka imtixaanka dowladda.

Xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir) ayaa sheegay in aan waxba ka jirin Imtixaanka Baraha Bulshada lagu faafiyey ee la shegay in laga helay Gaalkacyo,isla markaana uu yahay mid hore oo laga soo gudbay.

In ka badan 31 Kun oo Arday ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso,kadib markii uu horay u fashilmay imtixaankii 11kii Bishaan ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.