Ardey tiro badan ayaa u ambabaxay gobolada kala duwan ee Somaliland si ay uga qayb qaataan qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland oo 13 bishan ka dhaceysa deegaanada Somaliland.
Komishanka doorashooyinka ayaa jaamacadaha dawlada kasoo qorey xubnaha shaqaalaha ee doorashada qabanaya.
Ardeydaasi waxaa tababar uga socday maalmihii u magaalada Hargeysa kuwaasi oo lagu tababarayay sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen qalabka lagu galayo doorashada.
Qabanqaabada doorashada Somaliland ayaa laga dareemayaa deegaanada maamulkaasi ka taliyo, iyadoo ciidamada kala duwan heegan la galiyay si ay amaanka u sugaan wakhtiga doorashada.