Somali News

Armenia iyo Azerbijan oo markale uu dagaal ka dhex qarxay

Dowladda Azerbaijan ayaa ciidamada Armeniya ku eedeysay iney dileen 21 qof oo rayad ah kaddib marki ay deegaan ka mid ah gobolka Nagorno-Karabakh ay gantaallo ku garaaceen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in tobaneeyo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen duqaynta.

Armenia ayaa eeddaasi gaashaanka u daruurtay, iyada oo sheegtay in ciidamada Azerbaijan ay beegsadeen isbitaal ay haweenku ku umulaan.

Dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ka socda ayaa qarxay 27-kii bishii September.

Dhulka buuraleyda uu dagaalka ka socdo ayaa heer caalami looga aqoonsan yahay inuu hoos tago Azerbaijan balse waxaa gacanta ku haya qowmiyado Armenia ka soo jeedo.

Sidoo kale waxaa jirta in uu bur buray dhawr heshiis oo xabad joonin ahaa oo ay gaareen labada dhinac, iyagoona dhinacba dhinaca kale ku eedeeyay masuuliyada baal marka heshiisyadaasi.