Sports

Arsenal iyo Chelsea oo si isku mida uwada xiiseynaya tababaraha Monaco Leonardo Jardim

Muqdisho-KNN-Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heegan u yihiin ka dib markii la sheegay in Leonardo Jardim laga yaabo inuu ka tago Monaco xagaagaan.

Gunners ayaa raadineysa bedelka Arsene Wenger, inkastoo dhankakale shaki weyn laga qabo mustaqbalka tababaraha Blues Antonio Conte, kaasoo loo sheegay inuu ka tagayo Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Macalin Jardim ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono mid ka mid ah kooxaha London, sida laga soo xigtay The Sun.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in uu bilowday hadal hayn uu ku baxayo Jardim kaas oo uu ku soo afjarayo afartii sano ee uu kooxda joogay ka dib markii uu ku guuldareystay inuu difaacodo horyaalkaoo uu xagaagi hore ku hogaamiyay kooxda Manoco.

Jardim weli waxa uu heystaa labo sanno oo qandaraaskiisa ah oo uu kula jiro kooxda Manoco, laakiin Arsenal iyo Chelsea ayaa isku mid uwada doonaya macalinkan.