Muqdisho-KNN-Arsenal ayaa isha ku heysa inay 89 milyan oo ginni ku soo qaadato weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele taas oo ah lacag rikoor ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, oo ku soo bilowday labo kulan oo ka mid ah xulkiisa qaranka Koobka Adduunka xagaagan, ayaa durbadiiba loo dhigay bartilmaameedka Arsenal ay ku doonayso ciyaaryahano cusub.
Spanish Sports World ayaa sheeganeysa in Arsenal ay haatan isku dayeyso inay lasoo saxiixato 21 jirkaan, si kastaba ha ahaatee, waxay doonayaan inay dalab weyn u gudbiyaan kooxda Barcelona.
Dembele ayay adeegsatay Barcelona kaliya 17 jeer xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyay walow uu hareeyay xidigan dhawacayo, sikastaba waxaa saameenaya xidiga cusub ee Barcelona ciyaaryahan Malcom.