Sports

Arsenal oo qarka u saaran saxiixa Yaya Toure

Muqdisho-KNN-Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay dhameystirto heshiiska ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure.

Toure ayaa haatan ah ciyaaryahan xor ah ka dib markii uu kusugnaa sideed sano kooxda Manchester City’ 316 kulan ayuu u saftay kooxda islamarkaana ka caawiyey seddex horyaal oo Premier League.

Wakiilka xidigan 35-jirka ah ee Dimitry Seluk ayaa haatan xaqiijiyay in macmiilkiisa uu maray tijaabada caafimaadka kooxda ka dhisan London, islamarkaana uu ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis cusub.