Sports

Arsene Wenger Oo Noqon kara Tababaraha Ugu Mushaharka Badan Aduunka.

Muqdisho-KNN-Macalinka katahaya kooxda Arsenal macalin Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa inuu fursad u helay inuu noqdo tababaraha ugu mushaarka badan caalamka oo uu ka qaato lacag waali ah koox ka dhisan China Super League.

68 jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu heysto dalabyo badan oo miiska usaaran ka dib markii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxdiisa Arsenal iyo garoonka Emirates Stadium bisha soo aadan.

Wenger ayaa 22 sano ku qaatay Arsenal, halkaasoo uu haatan mushahar ahaan u qaadanayo 8 milyan oo ginni sannadkii – waana kala bar lacagta Pep Guardiola uu ka helo kooxda Manchester City.

Sida laga soo xigtay The Mirror, tababaraha Faransiiska ayaa Guardiola iyo Macalinka xulka China Marcelo Lippi ugu sari mari kara lacagta uu qaadan doono haduu qandaraaskaas uu aqbalo, oo ah £ 24m sanadkii.

Warbixin taa la mid ah ayaa muujineysa in Wenger uu weli doorbidi doono inuu mas’uul ka noqdo koox ka dhisan Spain ama asalkiisa France, si kastaba ha ahaatee, gaar ahaan waxa lalaxiriirinaya inuu  koox yar uu ka caawin karo inay korto.

 

Qalinkii:Aadam aqyaar