Sports

As Roma oo fariin u dirtay Salah oo bandhig wanaagsan ku haysta Redska

Muqdisho-KNN-Kooxda kubada cagta ee As Roma ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa fariin qaas ah udirtay wiilka reer Masar ee Mohamed Salah oo hadda u ciyaara kooxda kubada cagta ee Liverpool oo ka dhisan dalka Ingiriiska.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkaan u soo wareegay kooxda Liverpool, kana yimid kooxda As Roma oo u ciyaarayay.

Bogga Twitter-ka ee kooxda Roma ayaa lagu yiri 180 daqiiqo ayaa cadaw isku noqon doonaa kadib wixii ka dambeeya waxaan ahaan doonaa saaxibo aad iskugu wanaagsan, waan ku farax sanahay Salah inaan ku aragno mar kale.

Laacibka wacdaraha ka dhigaya dalka Ingiriiska ayaa ku jawaabay 100%, oo loo micneeyay waa sax waxa ay sheegteen.

Roma ay kulanka lugta hore u safraysa Liverpool, halka kulanka lugta labaad ay garoonkeeda ku marti qaadi doonto Salah iyo asxaabtiisa.

Dhanka kale Mohamed Salah ayaa loo magacaabay laacibka bishii March ee horyaalka Premier league kadib bandhigiisa wanaagsanaa ee uu ka sameynayo kooxda  Liverpool.

Waa markii sedexaad ee uu abaalmarinta laacibka bisha ku guuleysanayo salah xili ciyaareedkan,wuxuu horay u qaaday bilihii November iyo February, wuxuuna sidaa ku noqday xidigii ugu horeeyay taariikhda horyaalka Premier League ee hal xagaa loo magacaabo abaalmarinta ciyaariyahanka bisha.

Tan iyo kusoo laabashadiisa England xagaagii lasoo dhaafay 25 sano jirkaan ayaa horumar kala duwan sameyay marka loo eego xiligiisii Chelsea wuxuuna reds kamid dhigay kooxaha afarta sare ee horyaalka.