Somali News

Askar badan oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mayanmar

Warbaahinta dalka Mayanmar ayaa sheegay in koox careysan oo dibadbaxayaasha dalkaasi kamid ah ay ku beegsadeen saldhigii ay ku sugnaayeen lix askari oo boolis ah.

Saldhiga oo ku yaalla bartmaha dalka Myanmar ayaa lasoo werinayaa in kooxdii weerartay ay bambaanooyinka gacanta laga rido ay ku weerareen.

Waxaa weerarkaas ku dhintay 5 sarkaal oo boolis ah, halka askariga lixaad uu ahaa mid doonayay inuu ciidanka ka goosto kadibna askartii kale ee saldhiga ku sugneyd ayaa toogatay.

Wadarta guud ee dadka ku dhintay dibad-baxyada ka dhanka ah Militariga afgambiga ka sameeyay Mayanmar ayaa gaartay 550 qof.