Somali News

Askar dad shacab ah ku dilay Muqdisho oo xukun lagu riday.

Muqdisho-KNN-Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Cabdi waayeel Macalin keena diid, taasi ah qisaasta dil 2-December xilli habeen ah Isgooska Dabka uu ugu geystay Sakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo walaalo ahaa.

Maxkamada ayaa sidoo kale sanad xabsi ciidan ah ku xukuntay Dayax Cabdi Nuur Aadan. Kaas oo ahaa wadihii gaariga Cabdi-Bilaha ee uu saaranaa eedeesanaha dilka geystay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.