Somali News

Askar iyo Saraakiil Booliis ah oo loo xiray masuq maasuq

Muqdisho-KNN-28 Askari iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka  Booliiska Soomaaliya ayaa loo xiray falal masuq-maasuq ah iyo amardiido, waxaana askartan iyo saraakiisha laga soo qabtay qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir.

Taliye ku xigeenka xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee CID-da Jenaral Bishaar Abshir Geedi oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada loo xiray xatooyo xoolaha Dadweynaha ah,haatana ay ku xiran yihiin Xabsiga dhaxe ee xamar islamarkaana baaritaano ku aadan eedeemahooda ay wajahayaan.