Somali News

Askar ka tirsan Ciidamada dowlada oo maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta barqadii lagu dilay agagaarka isgoyska Afarta Darjiin ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Labada Askari ee la dilay ayaa waxay ka tirsanay Ciidamada Minashiibiya ee Canshuurta Qaada, waxaana dilay dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana halkaasi ay ka qaadeen miidka Askartii la dilay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Askarta la dilay markii la dilayay ay ku howlanaayeen Qaadista Canshuurta rasaastana ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkooda.

Todobaadkaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag bastoolado ku hubeysan kuwaas oo baxsanayay.