Uncategorized

Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Xalay lagu dilay Degmada Afgooye

Afgooye–KNN– Koox Bastoo;ado ku Hubeysan ayaa Xalay Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dishay Suuqa Qaadka lagu iibiyo Ee Degmada Afgooye,waxaana ay dhaawaceen mid kale.

Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dilka ay Fuliyeen Dableey Bastoolado wadatay islamarkaana ay Dileen Labo Askari Midna Dhaawaceen.

Kooxda Dilka Fulisay ayaa horay u sii qaatay Qori ay wateen Labada Askari ee Xalay lagu dilay Suuqa Jaadka lagu iibiyo Ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Afgooye ayaa Howlgallo Xariir ah Xalay illaa Saakay ka wada Xaafadaha Magaalada Afgooye si ay Gacanta ugu soo dhigaan Kooxdii Falka Dilka ah Fulisay.

Hayeeshee ma jirto Cid ay weli u soo qabteen Dilka loo geystay Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Ee Xalay lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.