Somali News

Askar ka tirsan ciidamada Pakistan oo lagu dilay qarax ka dhacay waqooyiga dalkaasi

Ugu yaraan 7 askari ayaa ku geeriyooday, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qarax lala beegsaday gaari nuuca dagaalka oo marayay deegaan ku yaalla waqooyi-galbeed ee Pakistan.

Sida ay laamaha amniga sheegeen qaraxa ayaa ahaa ismiidaamin waxaana gaari kale lagu dhuftay kolonyada askar oo maraysay degmada Lakki Marwat oo ku taal Xadka Pakistan iyo Afghanistan.

Toddoba askari ee geeriyootay ayaa waxaa ku jira sarkaal ka tirsana Askarta Militeriga Pakistan, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxa ee lala beegsaday ciidamada Pakistan.