Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan ciidamada dalka Turkiga ayaa dhintay halka tara kalana ay dhaawacmeen kaddib hawlgal ka dhacay xadka uu Turkigu kala wadaago dhanka waqooyi dalka Ciraaq.
Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay jimcihii in ciidamadua dowladdu ay weerareen fariisimo badan oo qaarkood ay halkaas ku lahaayeen ciidamada Kurdiyiinta.
Militariga dalka Turkiga ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay wax ay ugu yeereen marxaladii labaad ee hawlgalka waqooyiga Ciraaq.
Hawlgalka ayaa bilawday 27’kii bishiii May markaas uu Turkigu bilaabay hawlgal ka dhan ah kooxda mucaaradka ah ee PKK.
Turkiga ayaa duqayn joogto ah oo dhanka cirka ah ka gaystayta halkaas, kuwaas oo ay ku bartilmaameed-sadaan ciidamada xiriirka laleh kooxda PKK.
Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in labo xubin oo ka tirsanaay kooxda PKK ay ku dileen duqayn ay ka fuliyeen waqooyiga dalka Ciraaq.
Dagaalka u dhaxeeyo Turkiga iyo kooxda PKK, ayaa tan iyo markii uu soo bilawday sanadkii 1984’kii waxaa ku dhintay inkabadan 40,000 oo ruux.