Somali News Uncategorized

Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo xalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Militiriga Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay geysteen falkaasi dilka ah ee loo geystay Askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray daqiiqado ka dib, kuwaas oo baaritaano muddo kooban socday halkaasi ka sameeyay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo dilkaas xalay loo geystay Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya.