Somali News

Askar ka tirsan NISA oo la Sheegay in Shaqada laga eryay.

Muqdisho-KNN-Macalin Cali oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka tirsan gudiga amniga ee Golaha shacabka ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan in shaqada laga eryay in ka badan 200 askar oo ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ka tirsanaa.

Ciidamadan ayuu ku sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku heyso shaqa la’aan taasina  badalkeeda ay suurta gal tahay inay ka qeyb qaataan amni darida ka jirta Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa waxaa uu dalbaday in arimahaasi wax badan laga qabto.

Ma jirto Weli Wax war oo  ka soo baxay dowlada Soomaaliya ,kaasi ku aadan wararka sheegaya in Askar ka tirsan Sugida Soomaaliya shaqada laga eryay.