Somali News

Askar ka tirsaneed Puntland oo hub culus la goosatay

Boosaaso-KNN-Sida ay sheegayaan Wararka askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka  Af-Urur ee gobolka Bari, ayaa la sheegay  in ay la goosteen hubkooda, kadib markii ay si dhuumasho ah kaga baxsadeen fariisimaha Ciidanka.

Askartaas oo kamid ahaa ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho, kadibna la geeyay degaanka Af-Urur, ayaa habeen ka hor halkaasi kala baxsaday dhammaan hubkii ay wateen oo u badan qoryaha fudud ee AK47.

Ilo xog ogaal ah  ayaa sheegaya, in askarta hubkaasi la goostay ay u baxsadeen dhinaca gobolka Sanaag, islamarkaana ay doonayeen in ay dib u-iibsadaan hubka iyo rasaasta ay wataan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo haatan ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixiyay in  deg deg ah loo soo qabto askartii hubka la baxsaday, si sharciga loo hor-geeyo.