Somali News

Askar ka tirsan Puntland oo lagu dilay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya Magalada Boosaaso ee  Gobolka Bari ayaa sheegaya  in Askari ka tirsan Ciidamada Puntland saakay lagu dilay Magaaladaasi.

Dilka askariga ayaa ka dambeeyay kadib markii ay wada murmeen askari kale, taasina waxaa ay keentay in xabad uu ku dhufto askariga.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, islamarkaana waxaa goobta uu falka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Warar kale  ayaa Sheegaya in  askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu xalay 2 askari oo kale oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ku dilay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dilal ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.