Somali News

Askar ka wada tirsan Ciidanka Soomaaliland oo xalay isku dilay Laascaanood.

Laascaanood-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliland ee gacanta ku haya xabsiga Magaalada Laascaanood, sida ay KNN u sheegeen dadka Deegaanka.

Dilka askariga ayaa la sheegay inuu fuliyay askari kale oo ka tirsan ciidanka Soomaaliland, inkastoo aysan mas’uuliyiinta Soomaaliland weli ka hadlin dilka ka dhacay Magaalada Laasacaanood.

Sidoo kale rasaastii uu riday ninka askariga toogtay ayaa waxa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaasi ku sugnaa waxaana goobta isaga baxsaday ruuxii dilka gaystay.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xalay hawlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.