Somali News

Askar ka wada tirsan Soomaaliland oo ku dagaalamay Laascaanood

Laascaanood-KNN-Wararka naga soo gaaraya  magaalada Laascaanood ee  gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray askar ka wada-tirsan ciidamada Somaliland.

Sababta ma cida uu dagaalka u dhexmaray askarta ka wada tirsan Ciidamada Soomaaliland.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka loo yaqaanno RRU-da ee ka tirsan ciidanka Soomaaliland ayaa iska horimaadka ku dhintay.

Xaalada Magaalada Laasacaanood ayaa saakay degan , iyadoona weli Soomaaliland aysan ka hadlin iska horimaadkii ka dhacay Magaaladaasi.