Somali News

Dhageyso:-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo askar xukuntay

Muqdisho-KNN-Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun waxa ay ku riday askar lagu eedeeyay in ay lacag ka dhaceen shirikadda isgaarsiinta Hormuud.

Xukunkan waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute), waxaana lagu xukumay ragan oo Sedex ahaa in ay si wada jir ah ubixiyaan lacagtii ay ka dhaceen Shirikadda Hormuud oo dhameed $11,354, Sidoo kalana waxaa lagu xukumay min Shan sano oo xarig ah.

Askarta la xukumay ayaa magacooda waxaa lagu kala sheegay  Cabdikariim Muuse Muxidiin, Aweys Faarax Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamuud.

Maxamed Cali Maxmuud waxaa la xukumay isaga oo Maxkamadda horteeda ka maqan.

Hoos ka dhageeyso qaabkii uu xukunka udhacay.