Somali News

Askar lagu dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waraka naga soo gaaraya deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay ku dishay labo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo marayay wada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo dagaanka Ceelasha Biyaha.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in xiliga uu dilku dhacayay uu cariiri badan ka jiray wadada, isla markaana ay ciidamo AMISOM ku sugnaayeen goobta, iyadoo kooxda hubeysan mashquulka wadada ka jiray uga faaiidaysatay rasaasna ay ku fureen gaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana hadda halkaas ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya, walina ma jirto cid loo soo qabtay dilka askartaas.