Uncategorized

Askar lagu dilay Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Boosaaso-KNN-Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland  kuwaas oo ku sugnaa Bartamaha magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Koox dilka geysatay oo la sheegay in ay watayn Bastoolado ayaa la sheegay in si gaadmo ah ay u qaadeyn weerarkaasi waxaana dilka ka dib ay ka baxsadeyn goobta uu falkaan ka dhacay.

Ciidamada la toogtay ayaa ka tirsanaa waxaada Canshuurta ee Puntland waxaana la ogeyn sababta keentay dilkooda, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in dilka ay fuliyeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso ayaa la geeyay meydadka Askartii la dilay mana jirto madax ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo Puntland oo ka hadashay dilka ka dhacay magaalada Bosaso.