Uncategorized

Askar lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Laascaanood–KNN–Laba Askari oo booliis ah kana mid ahaa ilaalada goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashada somaliland ayaa  lagu dilay bariga Magaalada laascaanood sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalada laascaanood.

Labadan Askari ee booliiska ah ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Dadka degaanka laascaanood , walina ma jirto faahfaahin laga bixin cida dishay iyo sababaha loo dilay waxaase la xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen oo ilaalo ka ahaayeen goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashooyinka Somaliland ee bariga magaalada laascaaood