Muqdisho-KNN-Wararka Naga soo gaaraya Buulla Burde ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Miino lala beegsaday Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay degmada Buulla Burde ee G/Hiiraan,islamarkaana waxaana la sheegay in khasaaro uu dhashay qaraxaasi.
Inta la ogyahay 2 askari ayaa ku dhintay,tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha ciidamada Xoogga iyo kuwa Jabuuti ee degmada Buulla Burde ee gobalka Hiiraan ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala beegsaday ciidamada jabuuti.
Dhanka kale War qoraal ah oo ay soo saareen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada jabuuti ee ku sugan degmada Buulla Burde ee Gobalka Hiiraan.