Muqdisho-KNN-Gaari ay saarnaayeen Askar ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa qarax miino lagula eegtay nawaaxiga siinka dheer ee duleedka magaalada muqdisho.
Qaraxa ayaa Waxaa ku geeriyooday sedax ka mid ah ciidamadii lasocday gaariga Cabdi bile ah ee qaraxa lala beegsaday, halka Askari kale uu soo gaaray dhaawac aad u daran.
Markii uu dhacay qaraxa miinada ka kadib ayaa Waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas oo ay rideen ciidamado kale.
Qaraxaan Miino oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milatariga ayaa Waxaa uu dhacay xalay saqdii dhexe, mana jiro ilaa iyo hada saraakiisha ciidamada oo ka hadlay weerarkaas.