Somali News

Askar lagu qarxiyay Gaari ay wateen Muqdisho

Muqdisho-KNN- Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhow lagu qarxiyay Gaari ay wateen Askartaasi, kuwaas oo marayay xaafada Galmudug ee degmada Hodan meel aan ka fogeen Saldhiga Ciidamada Asluubta.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa geeriyooday mid kalane dhaawac ayaa ka soo gaaray, iyadoona Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano muddo kooban socday.

Ma jiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo Qaraxaasi ku xirnaa Gaariga ee ay wateen Askarta ka tirsaneed Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan sheegata dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ee ka dhaca Muqdisho iyo gobolada dalkaba.