Somali News

Askari baxsad ahaa oo lagu qabtay Muqdisho.

Muqidsho-KNN-Kulan gaar ah oo looga Hadlayay amniga caasimada ayaa xalay waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho 

Kulanka  ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha gobolka banaadir  ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,  waxaana ka soo qeyb galay  masuuliyiinta gobolka banaadir saraakiisha ciidanka booliska iyo xubno ka socday wasaarada amniga xukuumada soomaaliya .

Saraakiisha hay’daha Amniga ayaa shirka kusoo bandhigay in la soo qabtay Maleeshiyaad dhib ku hayey shacabka degmooyinka Wadajir, Hodan iyo Dharkenley.

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa Gacanta ku dhigay askari baxsad ka ahaa Ciidamada,kaas oo maamulka gobolka baandir uu sheegay in uu ku dhuumanayay Hoyga siyaasi la yaqaano balse aysan shaacin Magaciisa.

Guddoomiyaha Gobalka banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbixino la xiriira Amniga waxaa uu ka dhageystay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya,kuwaas oo sheegay in howlgallo ay weli ka socdaan degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir si amniga loo xaqiijiyo.

Sidoo kale Gudoomiye Yariisow  ma sheegin tirada guud ee xubnahaaan maleeshiyaad ah uu sheegay in la soo qabtay.